Barashada Luuqada English ta 3 Heer.
Kooroskan Barasahada English wuuu kakooban yahay 3 heer ama 3 levels oo kala ah Level 1 (Beginner to Elementary), Level 2 (Intermediate) iyo Level 3 (Upper Intermediate to advanced). Waa koorso si dhameystiran loona diyaariyay qof kasta oo doonaya inuu luuqadda English-ta barto, horumariyo, una isticmaalo nolosha maalinlaha ah iyo shaqada. Waa barnaamij wax-ku-ool ah oo loogu talagalay in lagu baro dhamaan qaybaha muhiimka ah ee English-ka: Ku hadalka, Akhriska, Dhegaysiga, Qoraalka, iyo Naxwaha (Grammar).
Kooroskan waxa uu ka kooban yahay saddex heer oo is xiga, oo mid walba diiradda saarayo horumar gaar ah:
English Level 1 – Beginner ilaa Elementary
Heerkan koowaad waa bilowga safarka barashada English-ka, waxaana diiradda lagu saarayaa barashada aasaaska luuqadda. Waxyaabaha aad heerkan ku baran doonto waxaa ka mid ah:
- Ku hadalka aasaasiga ah: Barashada jumlado iyo weedho fudud oo la isticmaalo nolol maalmeedka.
- Vocabulary: Kor u qaadidda kelmado muhiim ah oo ku saabsan nolosha caadiga ah sida suuqa, tukaamaysiga, safarka, dugsiga, shaqada iyo wixii lamida.
- Naxwaha (Grammar): Fahamka qaacidooyinka si aad uqorto uguna hadasho luuqada English ta si sax ah.
- Dhegaysi iyo kuhadal (Listening & Speaking): Casharo ku saleysan maqalka iyo akhriska si loo xoojiyo fahamka si aad awood uguyeelato inaad luuqada fahmikarto dadka kuhadlaya islamarkaana aad kuhadasho.
- Laylisyo iyo Imtixaano: Koorsadu waxay ka kooban tahay 150 cashar, 20 imtixaan, iyo laylisyo badan oo wax-ku-ool ah.
Markaad heerkan dhammayso, waxaad awoodi doontaa inaad si fudud ugu hadasho English-ka aasaasiga ah adigoo aan turjumaan u baahnayn.
Booqo Kooroska English Level 1
English Level 2 – Intermediate
Heerka 2aad wuxuu diiradda saarayaa horumarinta xirfadahaaga English-ka si aad ula qabsato xaaladaha nolol maalmeedka iyo isticmaalka luuqadda heerka dhexe. Waxyaabaha heerkan lagu baranayo waxaa ka mid ah:
- Wada-sheekaysi (Conversations): Casharo badan oo ku saabsan wada sheekaysiyada maalinlaha ah iyo dhegaysiga (Listening).
- Naxwaha (Grammar): Waxaad si faahfaahsan u baran doontaa 12-ka tense ee English-ka, iyo qaybo kale oo muhiim ah sida isticmaalka erayada isku xira iyo naxwaha sare.
- Vocabulary: Kelmadaha iyo weedhaha aad ku isticmaali karto xaalado kala duwan oo nolol maalmeed ah una dhigma heerkan.
- kuhadal iyo Dhegeysi: Sheekooyin iyo maqal si loo xoojiyo fahamka iyo ku hadalka luuqadda English-ka.
- Manhajka iyo Buugta : Waxaad ku baranaysaa casharo ku saleysan buugaag caalami ah sida manhajka ESOL ka iyo buug aan anagu diyaarinay, Ilaa 3 buug ayuu lagubaranayaa Level ka 2aad.
Heerkan 2aad ee English ta waxay kakoobantahay 130 cashar ama Videos iyo imtixaanaad kooda. Markaad dhammayso heerkan, waxaad awoodi doontaa inaad si rasmi ah ugu hadasho oo u fahamto English-ka.
Booqo Kooroska English Level 2
English Level 3 – Upper Intermediate ilaa Advanced
Heerka ugu dambeeya ee koorsadan waa mid loogu talagalay kuwa doonaya inay gaaraan xirfado sare oo English ah, gaar ahaan dhinacyada aqoonta iyo xirfadaha shaqada. Waxyaabaha aad heerkan ku baran doonto waxaa ka mid ah:
- Qoraalka Aqooneed (Academic Writing): Waxaa la adeegsanayaa buuga caan ah ee “Academic Writing” oo ay qoreen Alice Oshima iyo Ann Hogue si laguugu tababaro qoraalka aqooneed ee heer sare ah. Wax yaabaha aad kubaran doonto waxaa kamida Paragraph writing iyo Essay writing.
- Naxwaha (Grammar): Waxaad si qoto dheer u baran doontaa qaybo kala duwan oo grammar-ka ah sida Parts of Speech.
- Vocabulary: Kelmado iyo weedho heer sare ah oo muhiim u ah isticmaalka luuqadda xirfadeed iyo aqooneed.
- Ku hadalka iyo Dhegeysi Sare (Advanced Speaking & Listening): Waxaad baran doontaa xirfadaha wada hadalka iyo dhegaysiga heer sare ah si aad si kalsooni leh ula falgalto dadka ku hadla English-ka.
Koorsadan waxa ku jira laylisyo badan iyo imtixaano kaa caawinaya inaad noqoto qof xirfad sare leh, ku hadli kara, qori kara, una fahmi kara English-ka si xirfad leh. Barashada Luuqada English – Afsoomaali waa Koorso dhamaystiran oo afsoomaali laguturjumay.
Booqo Kooroska English Level 3
Maxaa Kooroskan U Gaar Ah?
- Luuqadda uu ku baxayo: Kooroskan wuxuu ku baxayaa Af Soomaali, taas oo kuu fududaynaysa inaad si fiican u fahanto casharada.
- Manhajka Caalamiga ah: Waxaa la adeegsanayaa buugaag iyo agab caalami ah iyo technology heerka uwanaagsan.
- Casharo Dhameystiran: Saddexda heer ee koorsada waxay ka kooban yihiin dhammaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah barashada English-ka.
- Imtixaano: Level kasta ama Heer kasta waxaa lasocda imtixaanaad badan oo markaad dhowr cashar daawato aan iskutijaabin karto. Xiligaad doonto ayaadna kashaqayn kartaah.
- Shahaado: Heerka (Level) kasta wuxuu leeyahay shahaado ugaara markaad dhamayso hadaad 3da level dhamaysana waxaad helaysaa shahaadada Diploma.
Ku soo biir maanta AflaxAcademy.com oo bilow safarkaaga barashada English-ka si aad u gaarto yoolalkaaga nolosha, shaqada, iyo aqoonta!
Casharo Free ah Hoos kadaawo
Casharka 11aad ee English Level 1
Casahrka 91aad ee English Level 1
Casharka 8aad ee English Level 2
Casharka 92aad ee Eglish Level 3
Sidee La Iskudiiwaangeliyaa
Si aad iskudiiwaangeliso kooroskana u iibsato Fadlan taabo botton ka hoose
1. In lagudiiwaangeliyo
Hadaad rabto inaan anagu kudiiwaangelino Fadlan laxiriir WhatsApp yada hoose
2. Adigu isdiiwaangeli
Hadaad rabto inaad adigu isdiiwaangeliso Fadlan taabo buttonka hoose kadib na isticmaal button ka Add to cart ee Kooroska
Barashada Luuqada English Online
Qaybtan waxaa kuxusan Koorsooyinka 3 Heer ee English ta. Fadlan taabo si aad ubooqato Kooroska oodhan

Suaalaha La Iswaydiiyo
-
1 Halkee Casharada Lagabartaah?
Cashaarada waxaa lagabartaah webkan aad hada kujirto ee Aflax Academy.
-
2 Sidee Casharada loobartaah?
Casharadu way duuban yihiin waxaad helaysaa casharada oo muuqaalo ah Afsoomaalina lagusharaxay, buugtooda, Imtixaanaadkooda Koorsooyinka qaar, Laylisyada iyo wixii caawimaad ah aad ubaahantahay.
-
3 Shahaado maleeyihiin Koorsooyinku?
Haa markaad dhamayso kooroska islamarkaasba waad helin Shahaadada kooroskaas.
-
4 Malada degikaraa casharada ma la download garaysan karaa?
Haa waad ladegi kartaa casharada.
-
5 Koorosku imisa ayuu soconayaa (Course Duration)?
Waxay ku xirantahay kooroska aad iibsato iyo wakhtiga aad geliso. Qof kii raba inuu maalintii ama todobaadkii casharo badan qaato iyo kii tartiib usoconaya labadaba waa sida uu qofku rabo.
-
6 Casharada wakhtiyadee laqaataa?
Xiligaad dooonto! Maadaama ay casharadu duuban yihiin waxaad baran kartaah oo lasocon kartaah markaad doonto ama aad jaanis leedahay. Sidoo kale waxaad kussocon kartaah xawaaraha aad rabto.
All Courses
Maxaad subgin Hada isdiiwaangeli
Kusoo biir kumanaanka kun ee arday ee kalasooja in kabadan 90 dal oo wax kabarta kana Aflaxay Aflax Academy. Kaalay wax baro oo Aflax.